XASAN SHEEKH oo weerar culus ku qaaday MADAXDA ugu sarreysay DF Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay Siyaasadaha ay isticmaaleyso dowlada Somalia ee uu Hogaamiyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha dalka Xasan Kheyre ay saaran tahay mas’uuliyad gaara oo la doonayo inay ku xaq dhowraan mas’uuliyiinta ku jira Siyaasada dalka.

Xasan Sheekh Maxamuuf wuxuu sheegay in madaxda dowladda hadda jirta looga baahan yahay inay la imaadan Siyaasad furfuran oo ay kula dhaqanto mucaaradka.

Xasan Sheekh waxa uu sheegay in Madaxda dowlada Somalia ay aad u diidan talooyinka iyo dhaliilaha loo jeediyo.

Waxa uu ku taliyay in madaxda ay qaadato dhaliisha ku aadan hawlaha ay ka gaabisay, wixii ay ku hormartayna lagu amaano.

Waxa uu sheegay in aysan wax xun aheyn hanaanka mucaaradnimada, loona baahan yahay in dowladda loo sheego hawlaha ay ka gaabisay, si ay horey ugu sii socoto.

Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa “Dadka xukuumada aan ku jirin ee banaanka jooga waxaa saaran masuuliyad wadareed, masuuliyadda dadka ay saaran tahay waa dowladda”

“Waxaa laga rabaa inay la yimaadaan wax soo saar dhinac kasta ah, waxaan qabaa mucaaradnimadu ma xuma, hadii ay tilmaamayaan wax qaldan waa inay dowladdu saxdaa, dalkan waa dal dimuqradi ah, dowladda meeshii ay ka gaabisay waa loo sheegaa, meeshii ay hormarisayna waa lagu ammaanaa”. ayuu yiri madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uu talada dalka hayay ahaa mucaaradka fursad ay ku dhaliilaan dowladda aanan siin jirin, iyada oo caburin xoogan uu ku sameyn jiray warbaahinta dhaliili jirtay dowladdiisa.

Haddalka Xasan Sheekh ayaa kusoo beegmaya xili dhinacyada mucaaradka ay culeys Siyaasadeed ka tabanayaan dowlada Somalia, waxaana xusid mudan in Xasan Sheekh uu dhawaan ku dhawaaqay Xisbi mucaarad.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com