Daawo: CC Shakuur oo soo ‘bandhigay video muujinaya in wasiirada DF la bahdilo’

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo ah mid ka mid ah mucaaradka ugu weyn ee dowladda Soomaaliya, ayaa ku eedeeyey madaxda dowladda Soomaaliya inay aad u bah-dilaan wasiiradooda.

Qoraal watay Video oo uu facebook soo dhigay ayuu ku sheegay in wasiirada ka warbixiya safarada ama howlaha ay qabtaan madaxweynaha ama ra’iisul wasaaraha ay tahay bah-dilaad lagu sameynayo.

Waxa uu sheegay in shaqada wasiirku aanay ahayn afhayeen iyo inay ka warbixiyaan waxqabadka madaxda ka sarreysa, balse ay tahay wasaaradahooda.

Video uu soo dhigay facebook oo ahaa mid ka kooban muuqaallo dhowr ah oo la isku keenay ayaa waxaa ka muuqda wasiiro dhowr ah oo marna ka warbixinaya madaxweyne Farmaajo, marna ra’iisul wasaare Kheyre.

Hoos ka aqriso qoraalka CC Shakuur, kana daawo muquaalka.

“Uma jeedo in aan ku xadgudbo wasiiradda oo aan ixtiraam badan u hayo, laakiin rabitaanka ay Madaxda fulinta ku u doonayaan in safar walba oo ay u baxaan iyo kulanka ay galaan In ay wasiiradu ka warbixiyaan waxay bahdilaad ku tahay xilka Wasiirka, waana dhaqan ugub ku ah siyaasada Dalka. Wasiirku waa go’aan sameeye ka tirsan Gole Fulin oo lagu jaangoyo siyaasada, dhaqaalaha iyo amniga dalka. Yaa la bahdalin oo shaqadii uu afhayeenka lahaa loo dirin”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com