Jaceyl ka dhex curtay Israel iyo Imaaraatka (Maxaa ka dhacay Washington DC?)

Washington DC (Caasimada Online) – Danjiraha Israel ee Mareykanka waxa uu Jimcihii kulan casho ah la qaatay dhiggiisa Imaaraadka-ka Carabta, taas oo ka mid ah tallaabooyinkii ugu dambeeyey oo lagu xoojinayo xidhiidhka labada dal.

Safiirka Israel ee Mareykanka Ron Dermer waxa uu la fariistay Al-Otaiba, danjiraha Imaaradka ee Mareykanka, iyaga oo ku kulmay machadka arrimaha amniga qaran ee Israel, halkaas oo lagu qabtay cashada sanadlaha ah Jimciihii.

Labada safiir ayaa la arkayey iyaga oo si diiran isula hadlaya xilli ay dhageysanayeen khudbaddii xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo. Waxaa isla miiska la fadhiyey danjiraha Egypt ee Mareykanka Yasser Reda.

Sida uu qoray wargeyska Israle ee Haaretz, “Ma aha wax caadi ah in mas’uuliyiinta dowladaha Carabta ee aan xidhiidhka la lahayn Israel lagu arko iyaga oo mas’uuliyiinta Israel la jooga meel shaaric ah.” Hase ahaatee, tani ma aha markii ugu horreeysay oo la arko Al-Otaiba oo miis la wadaagaya mas’uul sare oo Israeli ah.

Bishii Maarso waxaa lagu arkay maqaayad ku taal xaafadda Georgetown, oo ah deegaan ku yaalla Washington isaga oo casho la wadaagaya safiirka Bahrain ee Mareykanka.  Al-Otaiba waxa uu maqlay in Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu uu isla maqaayaddaas casho ku lahaa waxa uuna ku casumay in kula soo biiro miiskiisa, waxaa sidaas sheegay Haaretz

Sida wadamada kale ee Khaliijka, Imaaradka si rasmi ah uma aqoonsana Israel, sidoo kalena lama laha xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah dowladda Yuhuudda. Hase ahaatee, cashadi Jimcihii waa caddeymihii ugu dambeeyey ee caadiga looga dhigayo xiriirka labada dal.

Bishii Agoosto, saxafi Israeli ah ayaa sheegay in duuliye Imaaraati ah uu ka qeyb qaatay duqeymihii loo geystay Falastiin ee lagu bartilmaameedsanayey marinka Gaza ee go’doonsan xilli uu tababar ku qaadanyey xarunta ciidamada cirka ee Israel.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
Caasimada@live.com