Maxamed Bin Salmaan oo iibsanaaya KOOXDA ugu caansan Premier League

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay qoreen wargeysyada kasoo baxa dalka Ingariiska Dhaxalsugaha sacuudiga Mohammad bin Salman ayaa doonaya in uu iibsado kooxda ugu weyn Ingariiska ee Manchester United.

Waxa ay qoreen in Bin Salmaan uu doonayo inuu kor u qaado shacbiyada Kooxda Manchester United iyo dhaqaalihiisa ku jira akoonada uu isticmaalo.

Waxa ay qoreen in Bin Salmaan ay iibsashada Kooxdaasi ka caawin doonto in boqortooyada ay la tartanto wadamada kale ee carbeed.

Bin Salmaan ayaa doonaya inuu kor u qaado magaca iyo dhaqaalaha qoyskiisa, waxa uuna aad ula tartamayaa wadamada Qatar iyo Imaaraadka oo dhaqaale xoogan ku maalgashta Kooxaha heerka caalami.

Wargeysyada afka dheer ayaa aad u buun-buuninaya talaabada uu Bin Salmaan ku doonayo inuu ku iibsado Kooxda Manchester United.

Sidoo kale, Bin Salmaan waxaa maskaxdiisa ka dhex guuxeysa maal qabeenka reer Qatar ee sanadii 2012 iibsaday kooxda Paris Saint-Germain.

Dhanka kale kooxda man cityy ayaa sanadkii 2008-da waxaa maamulkeeda gacanta ku dhigay maal qabeenka imaaraadka u dhashay Sheikh Mansour bin Zayed,waxaana hey,ada qiimeysa dadka tujaarta ah Forbes ay sheegtay in £2 billion uu kor u kacay dhaqaalaha kooxdan sanadkan 2018-ka.

Docda kale, Kooxda Manchester United ayaa mudo lala xiriirinayay in ay iibsan doonaan boqortooyada sacuudiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com