Xasan Sheekh: “Waxaa jira deegaano uu mamnuuc ka yahay calanka Soomaaliya”

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay 66 sano guuradii ka soo wareegatay markii ugu horreysay ee Soomaaliya calan yeelato.

Xasan Sheekh ayaa xusay in calanka Soomaaliya mamnuuc ka ahaa in ka badan 85% dhulka Koofurta iyo bartamaha markii loo doortay madaxweynenimada Soomaaliya September 2012, iyada oo calanka Al-Shabaab oo kaliya uu ka taagnaa.

“Ilaaheey fadligiis, dadaalka halyeeyadeena iyo haggaaminteena darteed, waxaan ku guuleysannay in calankeena cirka u eg dib looga taago gobolla badan oo uu ka dul babado,” ayuu ku yiri hadal uu si gaar ah ugu jeediyay bulshada munaasabadda maalinta calanka.

“In ka yar 10% ayaa lagu soo koobay dhulka ay Al-shabaab ka talinayeen markii uu xilka wareejiyay Xasan Sheekh. Waxaa la xoreeyay in ka badan 25 degmo oo ka tirsan dalka”

Dhaqdhaqaaqa hubeysan ee Al-Shabaab ayaa deegaannada ay ka arrimiyaan ka mamnuucay calanka Soomaaliya oo maanta 66 sano jirsaday, walina waxaa jira deegaanno badan oo calanka uu mamnuuc ka yahay.