XASAN oo aqbalay codsi uu GAAS soo gudbiyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalintii shalay uu shir ka furmay magaalada Muqdisho kaasi oo looga hadlayay hiigsiga sanadka 2016 ayaa shirkii shalay waxaa hareeray buuq ay keeneen qaar kamid ah madaxda ugu sareyso ee ka qeyb galeyso shirka.

Madaxweynaha maamulka Puntland C/welli Maxamed Gaas, oo ka hadlayay shirka ayaa sheegay in maamulkooda ku qanacsaneyn qaabka shirka uu u socday maalintii shalay.

Wuxuu ku dacwooday in qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ka qeyb galeen shirka, islamarkaana xildhibaanada aysan ku jirin xildhibaano ka soo jeeda deegaanada Puntland.

Buuq badan oo madasha ka dhacay kadib ayaa waxaa lagu qanciyay madaxweynaha maamulka Puntland in kulamada soo socdo laga qeyb gali doono xildhibaano kasoo jeeda deegaanada Puntland.

Shirarka soo socda ayaa lagu balamay in lagu qabto magaalooyinka xarumaha u ah maamulada ka qeyb galaya ee Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Koofur Galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com