XOG: Maxaadan ogeyn oo la isku hayaa SHIRKA wada-tashiga qaran ee ka socda MUQDISHO?.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Inkastoo shirka wadatashiga ee looga arrinsanaayo doorashooyinka lagu wado in sanadka 2016 ka dhaca Somalia, ayaa waxaa haddana jira qodobo ay isku mari la’yihiin Dowlada Federaalka ah ee Somalia iyo Maamul Goboleedyada dalka.

Shirka oo ujeedadiisu tahay in la isku fahmo nooca ay noqon doonto doorashada lagu wado in dalka ay ka dhacdo sanadka 2016-ka ayaa lagu wadaa in maanta lasoo afmeero, waxaana wali taagan khilaafyo iyo tabashooyin ay wadaan Maamulada Puntland iyo Jubbaland, halka Maamulada kale ay yihiin kuwa adeecsan DF Somalia islamarkaana ku qanacsan tallo waliba oo ay soo jeediso Dowlada.

Madaxweyne Xassan waxa uu awoodiisa ku bixinayaa inuu qanciyo ,madaxda labadaasi Maamul balse ay iyaguna yihiin kuwo ka didsan muuqaalka iyo Siyaasada guud ee Madaxweynaha.

Guud ahaan marka la eego waxa ay Madaxdu heshiis ku yihiin in sanadka 2016-ka ay dalka doorasho ka dhacdo,waxay ku kala duwan yihiin nooca ay noqon doonto doorashadaasi.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland waxay aaminsanyihiin in laga guuro nidaam beeleedka 4.5 loona guuro deegaan oo xildhibaanada dalka laga soo xulo 18-ka gobol iyo degmooyinkooda waxay sidoo kale qabaan in Maamul goboleedyada looga dambeeyo soo xulida xildhibaanada.

Madaxtooyada Somalia iyo Maamul Goboleedyada Galmudug iyo Koonfur galbeed ayaa qaba in nidaamka 4.5 lagu soo xulo xildhibaanada.

Marka la eego dhanka kala danbeynta waxa ay Maamulada Koonfur Galbeed iyo Galmudug kuwa kale ku waafaqsan yihiin in maamul goboleedyada looga dambeeyo qaabka ay wax u damacsan yihiin.

DF Somalia waxa ay ku doodeysaa in Somalia ay u raadineyso Siyaasad iyo Dowlad wanaag ka duwan tan iminka jirta, sidaa awgeedna waxa ay dalbaneysaa in lagu waafaqo qaabka ay wax usoo go’aamiso.

Dhanka kale, DF Somalia ayaa laga filayaa in gabagabada shirka ay sameyn doonto tanaasul, waxa ayna ku cadeyn doontaa war-murtiyeedka laga soo saari doono shirka wadatashiga ee maanta ku ekaan doona.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com