Jawaari oo dhabjiyey qorshihii Xasan Sheikh iyo madaxda gobollada + Hadal culus ku dhowaaqay

Muqdisho (Caasimada Online)  –  Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo hadal ka jeediyay furitaanka shirka madasha Wadatashiga doorashooyinka 2016-ka ayaa sheegay in marnaba aanay jiri doonin wax saxiixayaal la yiraahdo, isagana uusan saxiixe noqon doonin, go’aanka dalkana ay lee yihiin xildhibaanada baarlamanka.

Xubnaha shirka u furmay ayuu kula dardaarmay in ay ka fikiraan waxa ay soo saari doonaan, isaga oo ballan qaaday in baarlamaanka uu taageeri doono wixii madashaasi laga soo saaro.

Waxa uu sheegay in waxyaabaha ugu weyn ee hadda xubnaha shiraya laga doonayo ay tahay in ay si gaar ah u eegaan xulka ay u keeni doonaan sida loo wajahi karo doorashada 2016-ka.

Seddaxda qodob ee ugu muhiimsan xilligaan waxa uu sheegay inay ka mid yihiin dhameystirka Dastuurka, Dimuqraadiyadeenta dalka, iyo Federaalka.

“Maanta waxaynu leenahay Dastuur, Aniga diyaar uma ihi inaan noqdo saxiixe, madaxweynahana sidoo kale, Baarlamaan ayaa jira mana jirayaan wax saxiixayaal la yiraahdo, baarlamaanka waxa uu diyaar u yahay go’aan kasto oo aad gaartaan inaan soo dhaweynno, hadii uusan Dastuurka waafaqsneyn xitaa waa la waafajin doonaa, laakiin waa in arrimaha aad soo xuleysaan ha noqdaan kuwo laga eegayo meelo badan” ayuu yiri Gudoomiye Jawaari.

“Baarlamaanka Federaalka gacan buuxda iyo wadatashi joogta ah ayuu la yeelan doonaa baarlamaanada maamul gobaleedyada kuwa jira iyo kuwa dhismi doona, waxaana diyaar u nahay in arrintaan aan fulinno”

“Waxaan galnay marxalad xasaasi ah, ka gudubkeeda waxa uu ubaahan yahay midnim codkeena mid yahay, go’aanka aan gaareyno yahay mid maskax Soomaaliyeed kasoo shiilmay” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay gudoomiyaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com