Sawirro cadeyn ah: Calan loo sameeyey Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha uu ka socdo shirka wadatashiga Qaran ee Hanaanka Doorashada Sanadka 2016-ka, ayaa waxaa mar qura kasoo dhex muuqday Sawir cusub oo wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia ay ka sameeyen Calanka Somalia.

Dadkii goobjooga ka ahaa shirka ayaa waxaa mar qura is bedelay dareenkooda waxa ayna is weydiiyeen sababta Madaxweyne Xasan iyo Mas’uuliyiintii kale ee ka tirsanaa Dowlada ay isha uga daawanayaan Calanka Somalia oo isbedel lagu sameeyay.

Lama yaqaan waxa uu ahaa calankan, balse waxa uu dad farabadan soo xasuusiyay qoraal ay dhawaan Caasimada Online ka diyaarisay qorsho lagu bedelaayo Calanka kaasi oo ugu danbeyntii soo ifbaxay.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa asbuucii tagay munaasabad uu ka qeybgalay ka sheegay inaan wax bedel ah lagu sameyn doonin Calanka Somalia, hayeeshee waxa uu ugu danbeyntii hadalka Xassan Sheekh noqday mid aan laga fiirsan islamarkaana ku qiyaanaayay Qaranka iyo Mas’uuliyada ka saaran xilka uu Umadda Soomaaliyeed u hayo.
calanka1

calanka