Muungaab iyo Odowaa oo tallaabo geesinimo leh qaaday diidayna calanka cusub ee Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dad badan oo ku sugnaa hoolkii lagu qabtay shirka looga hadlayay hiigsiga sanadka 2016 ayaa la yaabay calan lagu xardhay madasha shirka, kaasi oo micno badan laga bixiyay qaabka loo sameeyay.

Calanka ayaa ka tarjumayay baluug iyo cadaan oo dhexda ay kaga taalo xidig labada dhinac cadaan iyo baluug ka ah, kaasi oo lagu micneeyay dhanka cadaanka ah Soomaaliya dhanka Baluuga ahna gobalada Ethiopia iyo Kenya heystaan.

Madasha1

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Ahna duqa Muqdisho iyo Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya C/raxmaan Odowaa, ayaa kasoo horjeestay in calankaasi uu kusii dhegnaado goobta uu shirka ka dhacayay.

Labada masuul ayaa sheegay in  calankaasi uusan aheyn calanka rasmiga ee Soomaaliya, sidaasi daraadeedna uusan ku haboobeyn in goobta uu kusii dhegnaado, sida dad goobjoogayaal ah ay inoo sheegeen.

Murun badan kadib ayaa waxaa goobta laga fujiyay calankii marada ahaa eek u dhaganaa goobta shirka, balse waxaa dadka ay heysteen buugaag isla calanka uu ku sawiran yahay oo ka qeyb galayaasha oo idil loo qeybiyay.

Tallaabada ay qaadeen Muungaab iyo Odowaa ayaa waxaa dad badan ay ahaayeen kuwo la guuxayay balse aan ku dhaqaaqin intii goobta shirka la joogay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com