27.8 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Xog: Xasan Sheekh oo raba inuu 4.5 ku qeybiyo gobolka Banaadir

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa doonaya in maqaamka gobolka Banaadir uu noqdaa mid lagu qeybiyo hab qabiileed oo wakiilo matalaya beelo kala duwan ay ka mid noqdaan aqalka sare ee baarlamanka.

Shirka madasha ee u dhaxeeya madaxda dowlada iyo maamul goboleedyada ayaa la doonayaa in lagu qanciyo madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo go’aankooda yahay in hishiiskii hore aan waxba lagu darin.

Xasan ayaa doonaya inuu u sheego Gaas iyo Axmed Madoobe in xubno loo ogolaado gobolka Banaadir aysan saameyn ballaaran yeelan doonin, maadaama uu ku qeybinayo 4.5

Xog ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegaysa in madaxweyne Xasan Sheikh uu doonayo in lix xubnood oo matalaya gobolka Banaadir ay kamid noqdaan baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan aqalka sare.

Lixda Xubnood ayaa waxaa kala qaadan doono beelaha gobolka Banaadir Waxaana la qorsheeyay in loo qeybiyaa sida tam:

  1. Hawiye labo xubnood
  2. Daarood Hal xubin
  3. Dir hal xubin
  4. Digil hal xubin
  5. Beelaha Shanaad Hal xubin

Qorshahan cusub ee uu wado Xasan Sheekh ayaa noqon doonaa bah-dilaadii ugu weyneyd ee uu ku sameeyo beelaha Hawiye ee dega gobolka Banaadir oo uu marar badan horey u bah-dilay, maadaama 80% gobolka ay ayaga degaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News