Xasan Shiikh oo walaacsan (Ma la socotaa sababta uu u tagay KISMAAYO?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Shikeh Maxamuud ayaa maanta safar ku tegay magaalada Kismaayo ee maamulka Jubbaland, oo uu joogi doono afar maalmood.

Safarka Xassan Shikeh ee Kismaayo waxa uu horudhac u noqon doonaa kuwo kale oo uu ku tegi doono maamulada sida Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle.

Sida uu hore u shaaciyey markii uu 18 bilood kaddib dalka ku soo noqday Xassan Shiekh waxa uu ku sheegay in safaradiisa ay yihiin xog raadis iyo u kuurgalid xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Hadaba, maxay tahay ujeedka dhabta ah ee safarka Xassan Shikeh?

Xassan Shikeh waxa uu doonayaa in uu maamulada soo ogaado xaaladooda siyaasadeed iyo itaalkooda.

Waxaa xaqiiiqo ah in safarkiisa ku soo aaday xilli uusan wax badan qaban karin oo ay dowladda u muuqato mid ka taqalustay hoggaamiyeyaashii gaamuray ee maamulada, yeelkeede, kama maqna ujeedka safarkiisa la talinta madaxda hadda hartay ee mamaulada si ay isaga caabiyaan farogalinta dowladda dhexe.

Xassan Shikeh iyo dhammaan xubnaha mucaardka ah waxa ay wal wal ka qabaan saameynta xoogeysaneysa ee ay Nabad iyo Nolol ku yeelaneyso mamaulada taas oo caqabad ku ah hankooda siyaasadeed.

Haddii madax maamul goboleedyada badankood la beddelo, oo ay yimaadaan kuwa raacsan dowladda, sida HirShabelle iyo Koonfur Galbeed, waxay taas saameyn kartaa doorashada 2021, waayo waxaa xildhibaanada soo baxaya ay noqon karaan kuwa raacsan dowladda hadda.

Haddii ay taas ay dhacdo, waxaad aad u yaraaneysa rajada uu Xasan Sheekh dib ugu soo laaban karo hogaanka dalka, waana taas sababta uu safaradan ugu bixinayo maamul goboleedyada, si uu uga hortago.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com