BF oo musuq-maasuq ku helay xukuumada Kheyre iyo $20 milyan oo la la’yahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Miisaaniyada, Maaliyada Qorsheynta iyo La xisaabtanka dowladda ee  Golaha Shacabka ayaa maanta soo saaray warbixin xasaasi ah oo musuq-maasuq xooggan ku eedeysay xukuumadda Kheyre.

Warbixinta guddiga soo saaray ayaa looga hadlay wax is daba marin iyo in si qaldan loo maamulay miisaaniyadda dalka laga soo bilaabo Janaayo illaa Agosto sanadkan.

Waxa kale oo warbixinta lagu sheegay in la la’yahay meel ay aaday 20 milyan oo ka mid ah 50 milyan oo dowladda Sacuudiga ay ugu deeqday Soomaaliya, ayadoo xukuumadda ay soo gudbisay kaliya qarashaadka 30 milyan.

Guddiga wuxuu si gaar ah u soo jeediyay in Wasaaradda Maaliyadda laga hakiyo miisaaniyadda maaliyadeed, maadaama ay xatooyo ku kaceen.

Guddiga ayaa sidoo kale faray Hanti dhowrka Guud iyo Xisaabiyaha Guud inay baaritaan ku sameeyaan hey’adaha dowladda ee sameeyay wax is daba marinta iyo in si qaldan loo maamulay habkii miisaaniyadda dalka.

Halkan hoose ka akhriso qeyb ka mid ah warbixinta Guddiga