Xasan, Uhurru iyo Gelle oo la kulmaya Cabdalla

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa la filayaa in dalka Jordan ay ku kulmaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo boqorka dalka Jordan Boqor Cabdallaha labaad ee dalkaasi si ay kaga wadahadlaan xiriirka labada dal.

Sidoo kale waxaa boqorka dalka Jordan la filayaa iney la kulmaan madaxweynayaasha Djibouti Ismaaciil Cumar Geele, madaxweynaha Tanzania Jakaya Kikweta iyo madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta.

Xubnaha madaxweynayaasha waxaa qeyb ka ah masuuliyiin ka tirsan dowladaha ay matalayaan kuwaasi oo la filayo iney dhankooda ay la kulmaan boqorka dalka Jordan.

Ujeedada ugu muhiimsan ee kulanka ayaa lagu sheegay iney tahay sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen dadaalna loo gelin lahaa xiriirka dhanka amaanka iyo xiriirka kala dhaxeeyo dalka Jordan.

Sidoo kale waxaa la filayaa iney ka wada hadlaan sidii loo joogteyn lahaa wadashaqeynta iyo wada tashiga ka dhaxeeyo dalalka kala duwan eek u kulmaya magaalada caasimada u ah dalka Jordan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sidoo kale la filayaa inta uu ku sugan dalkaasi inuu la kulmo madaxda kale ee ka socota dalalka Africa ee la kulmaya boqorka dalka Jordan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com