Muqdisho (Caasimada Online) – Yuusuf Axmed Hagar oo ku magac dheer “Yuusuf daba Geed”, ayaa sheegay in Madaxweyne Xassan Sheekh uu kala geynaayo Bulshada Soomaaliyeed, sababo la xiriira qancinta Beelaha gaar.
Waxa uu Yuusuf sheegay in Madaxweyne Xassan uu ilaa Seddex Habeen ku baryay Magaalada Dhuusamareeb si uu u qanciyo beelo gaar ah, balse uusan garaneynin sida loo heshiisiiyo Beelaha uu dagaalka u dhexeeyo ee ku sugan Deegaano hoostaga Gobolka Hiiran.
Daba geed, waxa uu Tilmaamay in DF Somalia ay si cad isaga indha tireyso kaalinteeda ku aadan xalinta Khilaafyada sii ololaaya ee u dhexeeyo Beelaha dega Gobolka Hiiran, waxa uuna meesha ka saaray in Xassan Sheekh ay dhab ka tahay Siyaasadaha ku saleysan isu keenida Beelaha kala irdhoobay.
Sidoo kale, waxa uu ka dhabaajiyay in Madaxweyne Xasan sheekh uu Magaalada Dhuusamareeb Saddax habeen u seexday shir siyaasadeed laakiin aanu hal habeen Seexan deegaanka ay ku dagaalamayaan beelaha walaalaha ah ee duleedka ka ah Magaalada Beledweyne, sida uu hadalka u dhigay
Wuxuu intaasi kusii daray in ay jiraan xogo badan oo uu ogyahay kuwaasoo hadii uu sheego ay suuragal tahay in dharaar cad la dilo, isla xisaabtan la’aanta ka taagan dalka awgeed.
Ugu dambeyntii, waxa uu walaac adag ka muujiyay, Siyaasada DF Somalia ee xiligaani leysugu geeyay Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]