“Xasan Sheekh dalka ayuu musuq-maasuqay ee ha iska qabto BF Soomaaliya haddii uu awoodo”!

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Xildhibaanada BF Somalia ay Gudoonka Baarlamaanka ku wareejiyeen warqadaha Mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Xassan, ayaa waxaa sababta Mooshinkaasi loo gudbiyay warbaahinta u sheegay Xildhibaano ka tirsan BF.

Xidhibaan Goodax Barre oo xiligaani kamid ah Xildhibaanada sida aadka ah kaga soo horjeeda Madaxweyne Xassan, ayaa sheegay in ujeedka Mooshinka uu yahay mid lagu maja-xaabinaayo awooda Madaxweynaha.

Waxa uu sheegay Goodax in mooshinka ay oga dan leeyihiin in ay xilka kaga qaadaan Madaxweynaha isaga oo loo maraayo qodobada sharciga.

Mar wax laga weydiiyay eedeymaha ay u cuskanayaan Madaxweynaha ayuu sheegay inuu baalmaray Dastuurka waxaana kamid ahaa hadalkiisa ”Hadii aan nuxurka kuu kormaro, waxuu jibiyay dastuurka oo la rabay in uu ilaaliyo ,musuqmaasuq , wuxuu burburiyay ciidanka qaranka maxaa yeelay in tuu joogay wuu dhisi waayay ” ayuu yiri mar uu wareysi gaar ah siinaayay Idaacada Goobjoog ee Magaalada Muqdisho.

Mooshinkaani la gudbiyay ayaa Khatar galinkara jiritaanka Madaxweyne Xassan, waxaana gadaal ka riixaaya Mooshinka Siyaasiyiin saaxiibo dhow la ah Xassan Sheekh.

Geesta kale, hirgalinta Mooshinka ayaa u badan 85% bacdamaa Xildhibaanada saxiixday ay kor u dhaafayaan 132 Xildhibaan oo iyagu Madaxweynaha u arka inuu ku fashilmay Siyaasada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com