Askari ka tirsan AMISOM oo Muqdisho isku dilay saaxiibtiisna dilay iyo sababta lagu sheegay in…

Muqdisho (Caasimada Online) – Askari ka tirsan ciidamada AMISOM ee kus ugan magaalada Muqdisho ayaa sameeyay fal aan looga baran ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya, kadib markii uu isaga naftiisa is dhaafiyay.

Wararka dhacdadan la xiriira ayaa soo shaacbaxay waxii ka dambeeyay Axadii lasoo dhaafay xiligaasi oo askarigan uu dilay gabar uu jaceyl kala dhaxeeyay kana mid aheyd ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Askariga ayaa la sheegayaa inuu u dhashay dalka Uganda waxaana wargeyska the Monitor uu daabacay sheekada la xiriirta dilka askariga uu u geystay naftiisa iyo gabadha uu jaceylka kala dhaxeeyay.

Afhayenka guud ee Ciidamada dowlada Uganda ayaa xaqiijiyay dhacdada ka dhacday mid kamid ah saldhigyada  AMISOM ku leeyihiin magaalada Muqdisho, waxaase la ogeyn sababaha dhabta ah ee askariga ku qasbay inuu falkaasi geysto.

Afhayeenka ayaa sheegay in ay baaritaano ku sameyn doonaan waxyaabaha ka dhaxeeyay haweeneyda uu dilay askariga iyo waxyaabaha uu isku dilay isaga, maadaama aan falalkaan looga baran ciidamada AMISOM ee ku jooga Soomaaliya magaca AMISOM.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com