Magacyada siyaasiyiinta reer Gedo ee ETHIOPIA ugu xiran DOOLOOW oo la shaaciyey (Aqriso).!!

Doolow (Caasimada Online) – Col.  Aadan Axmed Xersi (Aadan Rufle) oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka Ee Gobolka Gedo, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in la xir-xiray oo ay maxaabiis yihiin Saraakiishii Ciidamada Dowladda iyo Maamulkii Gobolka Gedo ka jirayba kadib markii ciidamada Itoobiya ay soo farageliyeen xaaladda siyaasadeed ee Jubba.

 Masuuliyiinta la xir-xiray ayuu sheegay inay ka mid yihiin:

  1. Ex. Xildhibaan Maxamuud Siyad Aadan
  2. Gudoomiyihii Ahlu Sunada Gobolada Koonfureed Sheekh Maxamed Maxamuud Yuusuf (Awlibaax)
  3. Gudoomiyihii Gobolka Gedo, Maxamed Cabdi Kaliil
  4. Ku Xigeenkiisii, Cabdi Barre Cabdi
  5. Taliyihii Qaybta 60-aad Guutada 99-aad C/laahi Isaaq Cismaan

Col. Aadan Axmed Xersi oo saxaafadu soo xigatay ayaa sheegay 4-5-tii bishan Ogost in Masuuliyiinta la xirxiray loo sheegay in lala hashiisiinayo Madaxda Maamulka Jubbaland, iyagoo markaasi la geeyay degmad Doolow.

Waxayna waayeen xornimadooda, wixii ka dambeeyay 5-tii bishan, sida uu yiri. Sidoo kale wuxuu sheegay illaa iyo hadda inaanay garanayn halka ay ku sugan yihiin Masuuliyiintaasi, laakiin ay cadeynayan inay maxaabiis yihiin. Xariga masuuliyiintaasi waxaa ka dambeeyay IGAD iyo Saraakiisha Itoobiya ee magaca AMISOM dalka ku jooga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com