Magacyada musharaxiinta Jubba oo la shaaciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudiga doorashooyinka Maamulka Jubbaland, ayaa shaaciyay inuu xirmay qabashada araajida Musharaxiinta u tartameysa qabashada xilka Madaxtinimo ee Jubba.

Gudiga ayaa soo bandhigay liiska Mas’uuliyiinta soo buuxisay shuruudihii looga baahnaa, waxa uuna Gudigu sheegay in Liiska ay ka saaren shaqsiyaad aan weli buuxin shuruudaha sababo la xiriira wakhtiga oo ka dhacay.

Gudiga ayaa Musharaxiinta gudoonsiiyay Shahaadooyin cadeyn u ah inay dhameystireen shuruudaha islamarkaana aan laga hor istaagi karin ololaha ay ku guda jiraan.

Liiska Musharaxiin shuruudaha buuxiyay ayaa waxaa kamid ah:

1-Cusmaan Xuseen Xaaji Feyruus

2-Hilowle Aadan Maxamed

3-Maxamed Cusmaan Yuusuf

4-Axmed Maxamed Islaam ”Axmed Madoobe”

Gudoomiyaha Gudiga oo Khudbad u jeediyay Musharaxiinta ayaa ka digay inay ku kacaan inta doorashada iyo ololaha ku guda jiraan mindi mindi ku taag, ama ay dhaliilo isku mariyaan hawada.

Dhanka kale, Gudoomiyuhu waxa uu ka digay in Musharaxiinta ay sabab u noqdaan qalqal galinta amaanka Deegaanada Jubbaland inta uu ololuhu socdo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com