Xog: Guuleed oo durba lagu kacay: Shirar looga soo horjeedo oo ka billowday magalada Cadaado

Cadaado (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG Maamulka Galmudug, ayaa sheegaya in halkaasi uu kulamo kala duwan uga socdo Odayaal kasoo horjeeda qaabka loo kala qeybsanaayo Xukuumada Galmudug.

Odayaasha oo la sheegay inay kasoo kala jeedan ilaa Afar beel ayaa waxa ay ka hor imaaden in Xukuumada Maamulka dhinacyo gaar ah loo badiyo, waxa ayna sheegen inay caqabad u arkaan dhismaha Xukuumada.

Aadan C/llahi oo kamid ah Odayaasha kulanka u socdo, ayaa sheegay in Madaxweyne Guuleed uu durbadiiba ka hor imaaday beelaha qaar, islamarkaana uu si gaar ah u daneynaayo tirro beelo ah.
Waxa uu sheegay in qorshahooda uu yahay inay dib ula laabtan kalsoonidii ay siiyeen Madaxweyne Guuleed, isaga oo u sababeeyay qaab dhismeedka Xukuumada oo aysan ku qancin, waa sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaan Mahad Sheekh Cali oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in Baarlamaanka uusan raali ka noqon doonin in Xukuumada beelaha qaar loogu roonaado, qaarna lagu qadiyo.
Mahad ayaa xusay in soo dhisidda Golaha Xukuumada Galmudug uu ku howlan yahay Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed uuna la tashiyo la sameynayo qeybaha kala duwan ee Bulshada deegaanada Galmudug sida uu hadalka u yiri.

Maamulka Galmudug ayaa lagu tilmaamay in uu yahay midka kaliya ee Baarlamaankiisa ay doorteen Madaxweynahooda islamarkaana qaab wacan uu ku soo gabagaboobay dhismihiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com