Amisom oo la isla gartay iney isaga baxdo dalka iyo ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo la…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xili wax mushaaraad ah aan la siinin ciidamada Xooga dalka Soomaaliya ayaa haddana waxaa socdo ujeedo la doonayo in ciidamada AMISOM laga saaro gudaha dalka Soomaaliya.

Gudiga difaaca baarlamaanka Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan AMISOM oo kulan gaar ah qaatay ayaa isla gartay in ciidamada AMISOM aysan iska joogin dalka Soomaaliya, sida uu sheegay Xuseen Carab Ciise oo ah gudoomiyaha gudigaasi.

Waxaa la isla gartay oo dhanka AMISOM ay cadeeyeen in ujeedadooda aysan aheyn ineysan iska joogin dalka Soomaaliya iyagoo aan la heyn waqti xadidan.

Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa wadda waxaa la doonayaa in la isku dhafo si looga maarmo ciidamada AMISOM waxaana barbar socdo qorshe loogu magic daray “GUUL WADE” oo ay sameynayaan ciidamada militariga Soomaaliya.

“Ma hadafka iney iska joogaan Soomaaliya waxaan isla garanay iney dalka ka baxaan marka la tayeeyo ciidanka oo la isku dhafo, ciidamadana mushaarkooda joogto laga dhigo”ayuu yiri Xuseen Carab Ciise.

AMISOM ayaa dhibaatooyin badan ka geysatay dalka Soomaaliya tan iyo sanadkii 2007 oo aheyd markii ugu horeysay oo ciidamo ka socda AMISOM ay yimaadaan gudaha magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com