XOG: Xiisad ka taagan degmada Baardheere iyo maamulkii Axmed Madobe oo si weyn loo diiday

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisad ku saleysan dhanka maamulka ayaa ka taagan degmada Baardheere ee gobolka Gedo taasi oo u dhaxeyso saraakiisha dowlada Soomaaliya ee Gedo iyo maamul dhawaan Axmed Madoobe u magacaabay degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Gudoomiyaha Axmed Madoobe ugu magacaaban degmada Baardheere Cadow Nuur Xasan ayaa beeniyay wararka ku aadan in degmada uu ka jiro maamul kale oo dowlada Soomaaliya ay aqoonsan tahay uuna ka hor imaanayo qorshahaasi.

Sidoo kale wuxuu sheegay in xalaada degmada ay tahay mid wanaagsan oo uu san ka jirin wax qalalaaso ah, sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya ee gobolka Gedo ayaa sheegay in maanta ay degmada ku doorteen gudoomiye cusub oo dowlada Soomaaliya ay aqoonsan tahay.

Gudoomiyaha cusub o magaciisa lagu soo koobay Ismaaciil ayaa dhankiisa sheegay inuu yahay gudomiyaha dhabta ah ee degmada uuna aqoonsaneyn maamulka degmada  Baardheere ee Axmed Madoobe.

Arintaasi ayaa kusoo aadeyso xili gudoomiyihii Gedo Maxamed Cabdi Kaliil xil ka qaadis lagu sameeyay laguna xayiray degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com