Musharax cusub oo isu soo taagay JUBBALAND

Kismaayo (Caasimada Online) – Musharax cusub ayaa maanta ku dhawaaqay inuu u taagan yahay xilka madaxweynaha Jubba iyadoo ay maanta ku ekeyd qabashada codsiyada musharixiinta jagadaasi.

Cusmaan Xuseen Feyruus ayaa sheegay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynenimo ee Jubbaland, oo doorashadu dhici doonto 15-ka bishan Agoosto 2015-ka.

Xaflad ka dhacday Hoteel Cas-caseey ee magaalada Kismaayo oo ay kasoo qeybgaleen qeybaha kala duwan ee bulshada ayuu musharaxani ka shaaciyay inuu tartanka galayo. Qaar ka mida odayaasha iyo taageerayaasha  Feyruus ayaa soo dhaweeyey una rajeeyey in uu ku guuleysto.

Isagoo xaflada ka hadlay ayuu sheegay Mr. Feyruus “Haddii la I doorto, koow amniga ayaan wax ka qaban doona, midda labaadna waxaan doonayaa inaan caddaalad gaarsiiyo”.

Wuxuu noqonayaa musharxii afraad ee xilka madaxweynaha Jubba isu taaga iyadoo ay hore saddex musharax oo uu ka mid yahay Axmed Madoobe xilkaas isku sharaxeen. Waana nin kasoo jeeda Beesha shanaad taasoo musharaxnimadiisa ka dhigeysa mid magac ahaan u taagan hadiiba uu buuxiyay shuruudihii loo dhigay.

Musharax

isha goobjooge