Xog: Xarunta Villa Somalia oo gashay jawi cusub iyo mas’uuliyiin ku qulquleysa xafiiska Xasan Sh.

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray Villa Somalia ayaa sheegaya in waxyar ka hor Xafiiska Madaxweyne Xassan uu ka furmay Shir uu albaabada u xiranyahay.

Kullanka ayaa waxa uu u dhexeeya Madaxweyne Xassan, Wasiiro iyo Xildhibaano taabacsan kaasi oo la sheegay in looga hadlaayo Mooshinka lagu carqaladeynaayo Kursiga Madaxweynaha.

Ilo wareed ka tirsan Madaxtooyada gaar ahaan Xafiiska Madaxweynaha ayaa inoo xaqiijiyay in Xassan uu iminkaba bilaabay qorsho uu kaga hortagaayo Mooshinka, isaga oo la kaashanaayo Mas’uuliyiinta uu maanta isugu yeeray.

Waxa uu ka dalbaday in wax muuqda laga bedelo Mooshinka laga gudbiyay, waxa uuna ballanqaaday in wax waliba oo ku baxaayo kullamada ay la qaadan doonaan kuwa Mooshinka soo abaabulay uu bixin doono, sida ay xogtu kusoo gaartay Caasimada Online.

Kullanka degdega ah ee uu Madaxweyne Xassan la qaatay garbihiisa Siyaasadeed ayaa muujinaaya in Xassan ay cabsi xoogan kasoo foodsaartay tirada Xildhibaano ee saxiixay Mooshinka looga tuuraayo kursiga.

Madaxweyne Xassan ayaa muujinaayo dareen ah inaysan u suuragali Karin inuu ku dhiirado wakhti kororsi, waxaana jiro warar hoose oo sheegaya in ujeedka ugu weyn Mooshinka uu yahay mid Madaxweynaha looga hor istaagayo hamiga wakhti kororsiga.

Mooshinkaani ayaa wax badan ka duwan Mooshinadii hore ee laga keeni jiray Madaxweynaha, waxa uuna kan imaanayaa xili Xassan uu meel cidla ah taagan yahay, bacdamaa Xukuumadii hore ay la baxeen Siyaasiyiintii saaxiibada la ahaa.

Lama oga tallaabada uu qaadi doono Madaxweyne Xassan inkastoo ay u muuqaneyso inuu iibsan doono Codadka Xildhibaanada Mooshinka saxiixay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com