Gudoomiye uu magacaabay Axmed Madoobe oo laga mamnuucay & ciidankiisa oo isku dhiibay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Gobolka Gedo, ayaa sheegaya in Ciidamada Militeriga Dowlada ay is hortaag ku sameeyen Gudoomiyaha dhawaan loo magacaabay Degmada Baardheere iyo Ciidamo uu watay.

Ciidamada ayaa diiday in Gudoomiyaha cusub uu gudaha u galo Degmada Baardheere, waxaana la soo warinayaa in Saraakiisha Ciidamada ay sheegen inaysan kawar qabin goorta la magacaabay iyo halka lagu magacaabay Gudoomiyaha Cusub Cadow Axmed Nuur.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in gudoomiyaha iyo Ilaaladiisa ay isku dhiibeen Ciidamada AMISOM ee Degmada Baardheere jooga.

Saraakiisha Ciidamada Dowlada ayaa Khilaafsan qaabka uu Axmed Madoobe u dhisaayo Maamulada hoostaga Gobolka Gedo, waxa ayna Ciidamadu ku andacoonayaan inaan lagu soo wargalin imaanshiyaha Gudoomiyaha iyo Ilaaladiisa.

Gudoomiyaha Cusub Cadow Axmed Nuur iyo Ilaaladiisa, ayaa iminka ku jira gacanta Ciidamada AMISOM waxa ayna ka baqdinqabaan inay dhibaatooyin kala kulmaan Ciidamada Dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com