Xog: Xasan Sheekh oo madaxda madasha ka yaabsaday kadib…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa si adag uga hadlay dhaliilaha ay dowladiisa kala kulmeyso dowladaha xiriirka la leh Somalia iyo Siyaasiyiinta ku mideysan ururada Siyaasada.

Xassan Sheekh waxa uu sheegay in marka hore uu aad uga xunyahay in lagala duldhaco dhaliilo uusan garankarin waxa u sabab ah.

Waxa uu sheegay inuu la socdo inay jiraan Hogaamiyayaal ka tirsan maamulada dalka kuwaasi oo dhaliishooda u gudbiya Xubnaha Beesha Caalamka ka jooga Somalia, waxa uuna sheegay in dhibaato waliba ay ugu wacan tahay dhaqaale xumida heysata dowlada Somalia, balse aanu jirin dulqaadkii laga rabay dhamaan dhinacyada kor ku xusan.

Xassan Sheekh waxa uu cadeeyay in shaqsi ahaantiisa uusan dan u arag inuu iska sii heysto xilka, balse uu doonaayo in iyadoo la tixgalinaayo sharciga dhinac loo rido doorashada mudeysan iyo wixii la xiriira.

Xassan Sheekh waxa uu sheegay inuu ka dharagsan yahay dhaliishiisa balse uu doonaayo in dhibaatada jirta darteed loo muujiyo dulqaad iyo wada shaqeyn.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu dhankooduna ka dalbaday inay u nuglaadan dhammaan wixii khuseeya arrimaha doorashada waxa uuna u sheegay in sharciga loo wada siman yahay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in go’aanada hadda kasoo baxay Shirka aysan ku saleysneyn in cid gooni ah loo hiiliyo sidoo kalena cid gooni ah laga hiiliyo balse dhankiisa ka raaci doono wixii uu sharciga qabo.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayaa shacabka Soomaaliyeed kula dar daarmay in ay mar walba taageero buuxda siiyaan dowladda Somalia si ay u guuleystaan shacabka iyo dowladda.

Haddalka Madaxweyne Xassan ayaa daba socda khudbadihii uu ka jeediyay kulankii shalay kusoo xirmay magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com