Xasan oo siyaasada dalka gidis-gidis u aqristay!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Inkastoo hamiga Madaxweyne Xassan Sheekh uu ka sareeyo wadciga ka taagan gayiga Somalia, ayaa waxaa hadana moodaa inuu indhaha ka qabsanaayo xaqiiqda jirta iyo Siyaasada Somalia ay u baahan tahay xiligaani.

Tan iyo markii uu dalka Ra’isul wasaare uga dhigay Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayay shacabka Soomaaliyeed taasi u aheyd Akhbaar aan lagu farxin, waayo waxaa soo ifbaxay in qorshaha Xassan uu ahaa mid kusoo biyo shibtay burburinta Siyaasadii yareyd ee dalka gaarsiisay heer wanaagsan.

Madaxweyne Xassan iyo Ra’isul wasaare Cumar oo xiligaani ka caga jiidaya inay dalka u hagar baxaan, ayaa waxaa hadana taasi usii raacday inay ka hor imaadan doorashadii caalamka loogu muujin lahaa in Somalia ay isku tashaneyso, waxa ayna hakinta doorasho nin iyo codkiisa u hakiyeen Qoddobadda loo cuskaday dib u dhaca dhanka dhaqaale-xumo, amni la’aan, carbis la’aanta iyo u diyaar garowga Doorashadda hal qof iyo hal cod “One Man, One Vote”.

Hiigsiga cusub waa barnaamij caalami ah oo ku qotoma 5 tiir oo kala ah siyaasadda, amniga, kaabayaasha dhaqaalaha iyo caddaaladda, canshuur uruurinta iyo adeegyada dadweynaha, waxa aysa ku fashilmeen dhan waliba iyaga oo door bidaaya danahooda gaarka ah.

Ma jiro qodob kuwaasi ka mid ah oo qabsoomey, marka laga reebo guddiga doorashooyinka oo isagu laftiisa bishii hore uun la dhamaystirey, xafiisna aanan wali lahayn, iskaba dhaaf in uu hawl galee.

Dadku waxa ay aaminsan yihiin in Qodobka ugu xiisaha badan uu yahay ka Siyaasadda oo dhigayay in marka la gaaro sanadka 2016-ka ay dhacdo doorasho qof iyo codkiisa ah, intaasi ka horna la dhameystiro dhismaha maamul goboleedyada, dib u eegis lagu sameeyo dastuurka, la dhiso guddiga doorashooyinka oo isagu markaasi qabta hawsha ka horeysa in la qabto inta aysan doorasho dhicin sida diiwaangalinta codbixiyeyaasha iyo dabcan in la sameeyo tirakoob.

Dowladaha taakuleeya ama dhaqaalaha siiya Somalia wey garwaaqsan waayey hadalkaasi, inkastoo ay ergooyinkii Dowladaha shisheeyaha ay maldaheen carradda ay ka qabaan, waxayna door bideen inay Dhaqan Diplomaasiyadeed ku muujiyaan inay yaqiinsadeen go’aanka Madaxda Dowladda Rasmiga ee Somalia.

Dhaqaalaha iyo taakuleynta lagu bixinaayay DF Somalia ayuu Madaxweyne Xassan u fahmay dhan kale, waxa uuna durbadiiba rogay oo uu gidis-gidis u aqristay Siyaasada dalka si aan looga sal gaarin Siyaasadaha uu u maleegaayay dalka iyo dadka Soomaaliyeed taasi oo iminka soo bidhaameysa muuqaalkeeda.

Garowshiyo ayey Dowladda Rasmiga muujisay iyo Dowladda wey ku fashilantay inay Doorasho Rasmi gaarsiiso Qaranka ayaana ah Hadal-haynta ugu xooggan ee aad ka maqlayso goobaha ay ku kulmaam Bulshadda, waxayna dhaliisha uga badan ka imaanaysaa Siyaasiyiinta mucaaradsan Hanaanka Dowladda Federalka u wajahday go’aanka ku aadan inaysan doorasho ka dhici karin Somalia marka la gaaro bisha Augsut ee sannadka soo socda, sababo la xiriira qaabka uu Xassan Sheekh u fahmay in Somalia uu uga hantiyeysan karo.

Waana Run inay Muwaadiniinta u arkaan Dowladda Federalka La-mood, noqonse weyday, waayo waxaa lagu haminayey inay Dowladdu hayinka u qaban doonto Hiigsi Cusub iyo Waayo Cusub oo ay ku soo wada hirtaan Soomaalida, gaar ahaan kuwa ku kala qeybsamay Siyaasadda, Awoodaha Xukunka iyo Colaadaha la-siyaasadeeeyey ama kuwa kale.

Siyaasi ku xeel-dheer arrimaha Siyaasada ayaa qeexay in Ujeedka ay DF Somalia u xumeyneyso Siyaasada kala dhexeysa Maamul Goboleedyada dalka ay tahay in Beesha Caalamka uu Madaxweyne Xassan ku indha sarcaadiyo in Somalia aysan suuragal aheyn in laga dhaqangaliyo doorasho nin iyo codkiis ah bacdamaa Maamul Goboleedyada aysan si wanaagsan u dhisney, islamarkaana ay waxyaabo badan ka tabanayaan DF Somalia, waana tan keentay in Madaxweyne Xassan uu xili xun laalay masiirka Umadda Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Madaxweyne Xassan oo inbadan lagu xaman jiray inuu ka liito dhanka Siyaasada, ayaa waxaa iminka muuqaneysa in xantaasi ay tahay mid rumowday, kadib markii Siyaasada iyo wadaniyadiisa uu ku bedeshay oofinta baahyahiisa gaarka ah, isaga oo go’aansaday inuu Siyaasada dalka gidis-gidis u aqristay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com