Barre Hiiraale: “XASAN Sheekh waxa uu si cad u taageeray XASUUQA lagu hayo shacabkeenna”!

Muqdisho (Caasimada Online) – Xili Madaxweyne Xassan Sheekh uu booqday Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada hoose, ayaa waxaa booqashadaasi ka hadlay Afhayeenka Col.Barre Hiiraale Cabdi Rashiid Gaas.

Afhayeenka ayaa sheegay in Madaxweynaha Somalia uu booqashadiisii shalay ku dhiirro geliyay maamulka Axmed Madoobe oo uu sheegay in ay isu bahaysteen isaga iyo Kenya leynta Shacabka Kismaayo, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay in Madaxweyne Xassan uu baalmaray sharciga, waxa uuna tilmaamay in Xassan Sheekh uu kala faquuqay shacabka ku hoos nool Maamulka.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa sheegay in Ciidamada Madaxweyne Xassan uu qarameeyay ay yihiin kuwo Maleeshiyaad ah oo aan la siin wax tababar ah, markii laga reebo go’aanka degdega ah ee lagu qarameynaayo.

Wuxuu sheegay in iyaga ay halkaasi ugu xareysan yihiin Ciidamada Kenya iyo kuwa Jubba oo markii ay rabaana soo weerara mar ka kalena ku sheega in ay yihiin ciidan qaran.

Madaxweynaha ayaa Khubaddiisa kaga hadlay billowga isku dhafka Ciidamada Qaranka ee Somalia oo Guddi loo saaray, waxaana uu halkaasi Khudbad dheer uga jeediyay Ciidamada Tababarka loo furay.

Haddalka Afhayeenka Barre Hiiraale ayaa imaanaya xili uu dhowr jeer sii horeysay Cabasho ka muujiyay Ciidamada Maamulka Jubba iyo kuwa Kenya oo weerar ku qaaday dhawr jeer sida uu ku dooday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com