Wada-hadalladii madaxweyne XASAN Sheekh iyo Axmed Madoobe oo la isku fahmay waayey (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa kasoo ambabaxay Magaalada Kismaayo, xili halkaasi uu ka dhacay kulamo kala duwan oo aan laga gaarin wax natiijo ah.

Aqalka looga arrimiyo Maamulka Jubbaland ayaa waxaa tan iyo xalay ilaa saakay ka socday kulamo dhowr jiho ah oo lagu kala kacay, waxaana la soo warinayaa in Madaxweyne Xassan iyo Axmed Madoobe ay isku fahmi waayen xal ka gaarista Khilaafyadii mudooyinkaani taagnaa.

Sidoo kale waxaa leysku fahmi waayay shirka 29 bisha soo socoto ka dhacaaya Magaalada Muqdisho oo ay horay Jubbaland u diiday, waxa uuna Axmed Madoobe ku adkeystay in Maamulkiisa uusan xaadiri doonin madasha uu ka furmi doono shirka ilaa laga xalliyo qodobada uu Maamulka ka tabanaayo DF Somalia.

Shirka oo wakhti badan qaatay ayaa waxaan laga soo saarin wax warmurtiyeed ah saxafadana waxaa ay ka ahayd dibad Joog.

Saxafadda oo codsatay in ay madaxda ka hadlaan shirkooda ka hor inta uusan madaxweyne Xasan ka dhoofin Kismaayo ayaa la diiday waxayna saxafadda ku wargeliyeen in aysan hadlayn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com