Xeer-ilaalinta Turkiga iyo Sacuudiga oo ka hadlay dilkii Jamaal Khashoggi

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakaalladda Wararka Turkiga ee ANADOLU News Agency ayaa sheegay inuu Xeer-ilaaliyaha Guud ee Sacuudiga, Sacuud Al-macjab uu waaberigii hore ee maanta (Isniinta) ka degay Garoonka Diyaaradaha Atatürk ee magaallada Istanbul, isagoo la socday Diyaarad Khaas ah.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Turkiga, Carfaan Faydaan iyo dhigiisa Sacuudiga waxay Kulan xasaasi ah ku leeyihiin Xarunta Dhexe ee Xeer-ilaalinta Turkiga ee magaallada Istanbul.

Labada Mas’uul waxay ka wada arrinsanayaan heerka uu marayo Baaritaanka dilkii Jamaal Khashoggi.

Waxay kaloo booqasho ku tegi doonaan dhismaha Qunsulliyada Sacuudiga ee ku taalla Istanbul, dalkaasi oo bishan October 2-dii lagu dilay Saxafigaas.

Booqashada Xeer-ilaaliyaha Guud ee Sacuudiga ayaa ku soo beegmaysaa iyadoo uu Madaxweyne Erdogan ka codsaday Madaxda Sacuudiga inay Dowladda Turkiga ku soo wareejiyaan 18-kii xubnood ee ka tirsanaa Sirdoonka Sacuudiga ee sida xun u dilay AUN Jamaal Khashoggi.

Xigasho: Anadolu news Agency

W/turjumay Usataad Nuradin