Xog xasaasi ah: Sirdoonka BRITAIN oo ogaa qorshaha Sacuudiga ee Khashoggi

London (Caasimada Online) – Wargeyska Sunday Express ee ka soo baxay London waxa uu maanta qoray in Sirdoonka Britain ee MI6 ku baraarugsañaayeen qorshaha Sacuudiga ku afduubi lahaayeen Jamaal Khashoggi si ay ugu celiyaan Sacuudiga

Wargeyska oo soo xigtay Ilo Sirdoonka ayaa qoray inay la socdaan qorshaasi 3 isbuuc ka hor inta uusan Saxafigaasi gelin Qunsulliyada Sacuudiga ee Istanbul, dalkaasi oo lagu dilay.

Ilaha Sirdoonka MI6 waxay sheegeen inay Sirdoonka Sacuudiga uga digeen inay kansal gareeyaan Hawlgalkaasi, balse ay fuliyeen Hawlgalkooda oo Ay bishan 2-dii ku dileen Saxafigaas.

Wargeyska Toddobaadlaha ee Sunday Express waxa uu Warbixinta ku xusay in ay Sirdoonka MI6 ka war heleen bishan October 1-dii inay ka war heleen dhaqdhaqaaqa Kooxdaasi oo ay ku jireen xubno ka tirsan Xarunta Guud ee Sirdoonka Sacuudiga ee Riasat Alistakhbarat Al-amah (Saudi Arabia’s  General Intelligence) oo u soo dhoofay Istanbul, isla markaana ay aad u  muuqatay ujeedadooda.

“Iyadoo aan u marayno qaabab kala duwan, waxaan Sacuudiga u sheegay inaysan Aragti fiican ahayn qorshaha Afduubka ee Saxafiga Jamaal Khashoggi” ayaa laga soo xigtay Ilo Sirdoonka Britain ee MI6.

Waxayna intaasi ku dareen inaysan Sacuudiga qaadanin Taladaasi, balse ay fuliyeen Hawlgalkii lagu dilay Saxafigaasi bishan October 2-dii.

Sirdoonka Britain waxay sheegeen inay og yihiin inuu Amarkaasi ka timid xubin ka tirsan Qoyska Boqortooyada Sacuudiga, waxayna MI6 meesha ka saartay inuu Dhaxal-sugaha Sacuudiga ee Amiir Maxamed Bin Salmaan (MBS) wax xiriir toos ah ku lahayn Amarkaasi.

Xigasho: Sunday Express Newspaper.
Waxaa Turjumay: Ustaad Nuradin