Muxuu CC Shakuur ka yiri shirkii Muqdisho ka dhacay ee kooxda xiriirka Somalia?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa wax aan macno lahayn kaasoo qaaday shirkii kooxda xiriirka Soomaaliya ee ururka Iskaashiga Soomaaliya ay sabtidii ku yeesheen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ayuu Cabdiraxmaan ku sheegay in shirkaas oo lagu qabtay Muqdisho aysan macno lahayn, balse ay muhiim tahay in la fahamsan yahay “in Contact Group uu yahay hanaan wadashaqayn oo laga guuray, laguna shaqayn jiray xiligii ku meel gaarka.

“Waan soo dhowaynaynaa in shirka Kooxda Xiriirka Islaamka Muqdisho lagu qabto. Muhiim maaha in heerka ka soo qaybgalku hooseeyo, Teendhadii Afisyoone ku taalayna lagu qabto ee waxaa muhiim ah in lagu baraarugsan yahay in “Contact Group” uu yahay hanaan wadashaqayn oo laga guuray, laguna shaqayn jiray xiligii ku meel gaarka” ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Waxa uu intaas ku daray “Waxaa kaloo iyana jiray, laakiin sanadkii 2012 laga guuray markii la sheegay in ku meelgaarkii laga baxay Kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya, International Contact Group on Somalia (ICG)”

“Haddaba waxaa haboon in hanaankan dhacsan ee xiligiisii lasoo dhaafay laga guuro, lana helo hanaan kale oo wadashaqayn”

Hadalkiisa ayaa imanaya ayada oo dowladda Soomaaliya ay qabashada shirkan ee Muqdisho ku macneysay guul siyaasadeed oo ka tarjumeyso in dunida ay usoo jeeddo, islamarkaana qadarineyso dowladda hadda jira.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com