Sababta ay siyaasiyiinta Galmudug u doonayaan in doorashada Puntland uu JUXA ku guuleysto

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta kasoo jeeda deeganada Gal-Mudug ayaa aad isha uga haya doorshada ka dhici doonta Puntland bisha Janaayo ee sanadka soo aadan. Marka laga tago in reer Gal-Mudug ay daris ahaan u eeganayan Puntland iyo qofka mudan 2019, hadana waxaa jira hal musharax oo ay xoog iyo xoolo isugu dareen sida aan xogta ku helnay.

Cabdi Faarax Siciid ‘Juxa’ oo ka mid ah musharaxiinta ugu cadcad doorashada Puntland ayaa heysta taageero badan oo ka baxsan gudaha Puntland iyo rabitaan guud, waxaase ay dad badan is weydiinayaan sababta uu Juxa u yahay mid meelo badan laga rabo gaar ahan Gal-Mudug oo kaabiga ku heysa Puntland.

Si gaar ah, siyaasiyiinta Gal-Mudug aya la sheegay iney Juxa si weyn ula safan yihiin, waxaana kulamo dhowaan ka dhacay Nairobi oo u dhaxeeyay Juxa iyo siyaasiyiin miisaan culusleh oo kasoo jeeda Gal-Mudug, lagu go’aamiyay in Juxa la dhiso lana siiyo taageero maaliyadeed iyo mid farsamo.

Caasimada Onine ayaa si madaxbanaan u baartay sababta siyaasiyiinta Gal-Mudug ku qasabtay iney Juxa garab istaagan, waxaana arrinta kusoo koobnay labbo arrimood.

1-Colaada Gal-Mudug iyo Puntland

Waxaa ay dadbadan aaminsan yihiin in Juxa uu yahay siyaasi degan oo aragti dheer, aaminsana in Puntland iyo Gal-Mudug ay nabad iyo baraare ku wada noolan karaan, taas oo ka dhigtay mid aad loogu hanweyn yahay.

2-Abaalkii Gal-Mudug

Wasiirkii hore ee arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa iska diiday qorshe la doonayay in lagu dumiyo Gal-Mudug intii uu wasiirka ahaa, arrintaas waxaa loo arkaa go’aan taariikh iyo mid uu ku kasbaday kumanaan reer Gal-Mudug ah. Waxaa dadka qaar aaminsan yihiin in arrintani ay tahay midii sababtay in Kheyre iyo Juxa isku dhacaan kadibna xilka laga qaado.

Qodobkaan wuxuu reer Gal-Mudug ku qasbaya in ay Juxa ku garab istaagan ololihiisa doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska-Muqdisho
Caasimada@live.com