Guddoomiye Cabdi Xaashi oo wareeray (Xqiiqdii qoraal uuu Farmaajo ku weeraray)

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa wareysi uu bixiyey ku sheegay in qoraalkii Villa Somalia ka soo baxay ee uu Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay Madaxda dowlad Gobolleedyada in ay isugu yimaadaan kulan lagu xaliyo tabashooyinkooda, mid ay qortay gacan saddexaad.

Cabdi Xaashi sidoo kale waxa uu qoraalka Villa Somalia ku micneeyey mid ay ka maqan tahay mas’uuliyad, mana ah mid la rumeysan karo in isaga ay ka timid.

Hase ahaatee, Guddoomiyaha Aqalka Sare oo adeegsaday “Gacan Saddexaad” waxaa ka hoos baxday akoonka laga soo qoray dhambaalka waxa uu yahay iyo luuqda uu qaato!

Akoonka qoraalka Madaxweynaha la soo marsiiyey waa midka Villa Somalia, waa akoon uu leeyahay xafiiska Madaxeynaha oo aan waligii bedelmin xataa haddii ay boqol Madaxweyne is bedelaan!

Yeelkeede, sida hadalka Cabdi Xaashi ka muuqata, waxaa isaga qaldamay akoonka Madaxtooyada Soomaaliya iyo midka gaarka ah ee Madaxweynaha.

Sidee ayuu u dhignaa qoraalkii Villa Somalia?

“Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay Madaxda Dowlad Goboleedyada in iyaga oo eegaya danta dalka iyo dadka ay aqbalaan dalabka Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo sii xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo midnimada, wax wada qabsiga iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.”

Aqri sida ay u dhacaan farriimaha la mariyo akoonka Madaxweyne Maxamd Cabdullaahi Farmaajo!

“Waxan bogaadinayaa dadaalka intii soo abaabushay Bandhigga Buugaagta #Cadaado. Horumarinta  dhaqanka iyo suugaanteenna waxay qayb weyn ka yihiin sare u qaadidda garaadka bulshadeenna. Bandhigyada bugaagta ee guud ahaan dalka waxay astaan u yihiin dib u soo kabashada dalkeena.”

SHARRAXAAD

Akoonka Villa Somalia waxaa waajib ah in loo adeegsado qofka ‘Saddexaad”

Halka akoonka gaarka ah ee Madaxweynaha ay tahay in uu qaato qof ‘Kowaad”

Gunaanad, Dhigaalka Villa Somalia  ma aha sida uu u fasiray Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Waxaa si toos ah loogu soo gudbiyey farriintii Madaxweynaha ee uu casumaadda ugu fidiyey Madaxeyneyaasha Maamul Gobolleedyada.

W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid