Maxaa ka cusub baaritaanka qaraxii JAZEERA?!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Somalia Axmed Cali Daahir, ayaa sheegay in si toos ah uu u bilowday baaritaanada lagu xaqiijinaayo Weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Hoteel Jazeera ee Magaalada Muqdisho.

Xeer ilaaliyaha waxa uu sheegay in DF Somalia ay qabto tuhuno farabadan taasina looga shaki bixikaro in la xoojiyo baaritaanka iminka bilowday, waxa uuna carabka ku dhuftay in baaritaanadaasi ay saameyn doonto cid waliba oo looga shakiyo fududeynta weerarka.

Axmed Daahir waxa uu sidoo kale sheegay in Hay’adaha amaanka iyo danbi baarista ay gacanta kula jirto kiiska weerarka ismiidaamin, balse ay muddo qaadan doonto soo saarida natiijada weerarkaasi.

Taliyayaasha laamaha amaanka ayuu sheegay inay ku mashquulsan yihiin halkii lagu soo diyaariyay gaarigii qaraxa laga soo buuxiyay ee Hotelka lagu weeraray, iyadoo laga duulaayo sidii sharciga lagu horkeeni lahaa, kuwii ka dambeeyay weerarkaasi.

Dadka shacabka ah ayuu ku booriyay inay DF Somalia lasoo socodsiiyaan hadii ay jirto xog ay ka hayaan halkii laga soo maleegay weerarkaasi, wuxuuna aaminsan yahay inay jiraan dad uun arkaayay amaba la socday dhaq dhaqaaqa gaarigii weerarka loo adeegsaday.

Dhanka kale, weerarka ayaa leysu raacay inuu ahaa kii ugu xumaa ee ka dhaca Magaalada Muqdisho, waxa uuna dareen adag ku reebay Laamaha amaanka Dowlada oo iyagu aan iska xil saarin xaqiijinta amaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com