Cadaalad darro lagu sameeyey reer HIIRAAN oo..

Muqdisho (Caasimada Online) – Cumar Adan Ibraahim oo ah Duqa Magaalada Beledweyne, ayaa ka hadlay qorshooyinka dhawaan la filaayo in laga hirgaliyo Gobolka Hiiraan.

Waxa uu sheegay in Maamulka iyo shacabka Hiiraan ay ka raageen hirgalinta Horumarada ka socda Somalia, waxa uuna sheegay in iminka ay ku dhaceen wadadii saxda aheyd.

Cumar Adan Ibraahim waxa uu intaa hadalkiisa kusii daray in horumarka Shacabka Hiiraan kaliya ay ku xiran tahay mirro dhalka kasoo bixi doona shirarka ka socda Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Isaga oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Hiiraan waxaa ay ka mid tahay 8-dii Gobol ee 1960kii, waxaana ilaa hadda ay Cadaalad darro ka tirsaneysaa Dowladihii soo maray Dalka oo sameeyay Gobolo badan Hiiraana ku daayay sidiisii, sidaa darteed hadda ayaan isleenahay Cadaalada ayaad heli kartaan”

Wuxuu sheegay in Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ay wada degaan dad isku mid ah sidaa darteedna haddii ay wada sameystaan maamul aanay dhibaato ku qabin reer Hiiraan.

Dhanka kale, waxaa uu sheegay in wali aysan billaaban Xulista Ergada oo uu sheegay in Degmooyin lagu soo xuli doono si looga maarmo reer hebel ayaa tiro badan iyo heer hebel ayaa tiro yar, waxaana uu sheegay in si wanaagsan ay filayaan in ay ku dhamaato dhismaha maamulkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com