Ninkii fuliyey qaraxii Hotel Jazeera oo la ogaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo laamaha ammaanka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in la aqoonsaday ninkii ka danbeeyay qaraxii weynaa ee shalay lala beegsaday Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho oo qasaare badan dhaliyay ayna ku dhinteen 16 ruux, 50 kalena dhaawacyo ka soo gaareen.

Sakaariil ajanbi ah oo baaraya burburkii haraaga ninka is qarxiyay ayaa ilo ku dhow hay’adda Nabadsugidda u sheegay in ninka qaraxa geystay uu ahaa Soomaali heysta dhalashada dalka Jarmalka oo la sheegay inuu magaalada Bonn ee dalka Jarmalka ka yimid.

Weli waxaa socda baaritaanka ay wadaan hay’adaha nabadsugidda reer galbeedka ee taageera ciidamada nabadsugidda Soomaaliya. Khabiirta waxyaabaha qarxa ku takhasusay ayaa fadhi ku leh magaalada Muqdisho oo si qarsoodi ah uga howlgala.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com