Baarlamanka Galmudug oo beddelay qodobkii ka careysiiyay maamulka PUNTLAND balse weli…

Cadaado (Caasimada Online) – Baarlamaanka Galmudug ayaa fadhi uu shalay ku yeeshay magaalada Cadaado wuxuu wax ka bedel ku sameeyay qodobka 2-aad ee Dastuurka Maamulka Galmudug faqradiisa 4-aad oo hore ay ku caddeyd in xuduudka maamulka Galmudug ee dhinaca waqooyi uu yahay Gobolka Nugaal, sidaas oo ay ku ansixiyeen ergadii shirka dhismaha maamulka Galmudug, balse arrintan waxay qeylo dhaan iyo hanjabaad dagaal ka keentay maamulka Puntland oo cadaawad xoog leh u qaaday Galmudug.

Qodobkan waxay Baarlamaanka Galmudug u bedeleen si fudud iyadoo halkii ahayd “Gobolka Nugaal” ku bedelay “Puntland”, oo micnaheedu yahay in maamulka Galmudug ay dhinaca waqooyi ka xigto Puntland. Si kastaba, lama yaqaan waxa loola jeedo Puntland, waxaana weli dastuurka Galmudug ku qoran in maamulka ka kaooban yahay Galgaduud iyo Mudug.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Casir Abdi oo guddoomiyaha shirka Baarlamaanka Galmudug ayaa ku dhawaaqay arrintan isagoo sheegay in baarlamaanku ay dib u eegi doonaan qodobo kale oo ka mida dastuurka.

Qodobka wax ka bedelka xuduudka wuxuu ahaa tanaasul uu hore u siiyay C/kariin Guuleed Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya si uu arrintaasi ugala hadlo Puntland, kana galo waanwaan labada dhinac ah. balse waxaa si cad u diiday Puntland. Lama oga waxa ay Puntland la yeeli doono arrintan.

Isha goobjooge