Xeer ilaaliyaha qaranka: Madaxda DF ayaa caqabad ku ah dagaalanka musuqa”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Soomaaliya, ayaa ka hadlay musuq maasuqa ka jira dalkan iyo dadaalada uu xafiiskiisa ee ka dhanka ah ciribtirkiisa.

Dr Axmed Cali Daahir, ayaa sheegay in musuq maasuqa dalkan hareeyay aaney eheyn oo kaliya lacagaha la dhoco, balse ay qeyb ka tahay in la sameeyo eex iyo sidoo kale hantida Soomaaliyeed oo la lunsado.

Dagaalka ka dhanka ah musuqa, ayuu sheegay ineysan ku koobneyn Muqdisho oo kaliya balse Muqdisho ay tahay meesha haatan ka bilaabatay oo kaliya dagaalka guud ee ka dhanka ah wax is daba marinta.

Axmed Cali Daahir, ayaa sheegay inaan si sahlan loo cirbtiri karin musuqa, isagoo sabab uga dhigay in madaxda dowladda iyo xubnaha hay’adaha fulinta iyo sharci dejinta ay caqabad kala kulmayaan shaqooyinkooda.

Afar kiis oo musuq maasuq ah, ayuu sheegay iney wajaheen maalmahan, balse ay uga dhigneyd iney dhinbil dab ah gacanta ku dhigeen oo kale, maadaama ay dhalleeceyn kala kulmayeen dhinacyada ay ehelka yihiin dadla eedaha musuqa loo soo qabto.

“Waa madaxda qaranka, waa xildhibaanada, waa shacabka dadka aan kala dagaalami la’nahay musuqa, sababtoo ah waxey difaacayaan dadka eedaha musuqa loo soo qabto” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha.

Axmed Cali Daahir, waxa uu hadalkan ka sheegay munaasabad maanta lagu xusayay maalinta la dagaalanka musuqa oo lagu qabtay xerada Xalane ee aadka loo ilaaliyo.

Dadkii ka qeyb galay xuska maalinta ee hadallada ka jeediyay waxaa ka mid ahaa; wasiirka cadaalada Soomaaliya, hanti-dhowraha guud ee qaranka iyo safiirada waddamada UK iyo Mareykanka ee Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com