Xeer ilaaliyaha qaranka oo u yeeray wasiirka betroolka iyo macdanta + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, Mudane Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa maanta soo saaray amar ku socda wasiirka wasaaradda Betroolka iyo Macdanta Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed.

Xeer ilaaliyaha ayaa u yeeray wasiir Cabdirashiid in maalinta Isniinta ah oo ay taariikhdu tahay 25/04/2022, uu yimaado xafiiskiisa, sida lagu cadeeyey qoraalka, Dr Sulemaan.

Wasiirka ayaa waxaa la faray inuu waqtiga imaanshaha ilaaliyo, kaas  oo ah 11:00 AM ee barqanimo, sida ku cad qoraalka kasoo baxay xafiiska Mudane Suleymaan Maxamed.

Sidoo kale xeer ilaaliyaha ayaa shaaca ka qaaday in wasiirka Batrolka wax laga weydiin doono Heshiiska shidaalka ee uu saxiixay, kaas oo dhex-maray wasaaradda Batrolka iyo Macdanta ee xukuumadda Soomaaliya iyo Shirkadda Coastline Exploration Limited.

Wasiirka Batrolk ayaa dhowaan soo bandhigay heshiis shidaal baris ah oo ay wasaaraddu la saxiixatay shirkadda Coastline Exploration Limited (“Coastline”) oo laga leeyahay dalka Mareykanka, kaas oo dood dhaliyey, isla-markaana ay ka hor yimaadeen madaxda dalka.

Wasiir Cabdirashiid ayaa sidoo kale xilligaas sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu la ogaa heshiiska oo lagu qaatay lacag dhan illaa 7 Milyan oo Dollarka Mareykanka ah.

Dood badan iyo shaki weyn ayaa ka dhashay heshiiskaas oo shaacintiisa lagu soo aadiyey xilli xasaasi ah, isla-markaana lagu jiro xaalad kala guur ah iyo marxalad doorasho.

Si kastaba, tallaabada uu haatan qaaday xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa ku soo aadeysa, xilli Shirkadda Coastline Exploration ay ku gacansayrtay go’aankii ay madaxda sare ee dowladda uga horyimaadeen heshiiskii uu Wasiirka shidaalka dowladda kula saxiixday magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, waxaana shirkadda ay ku dooday in uu sax ahaa nidaamkii ay heshiiska kula saxiixdeen wasiirka batroolka iyo macdanta Soomaaliya.