Xiisad ka dhalatay calanka Soomaaliya oo ka taagan qeybo ka mid ah Somaliland

Ceerigaabo (Caasimada Online) -Ciidamada maamulka Somaaliland ayaa saacadihii la soo dhaafay dad shacab ah ku rasaaseeyay deegaanka Damalle-Xagarre oo hoostaga degmada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Shaqaaqadan ayaa ka dhalatay, kadib markii dadka deegaanka Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya ay ka taageen halkaasi.

Saraakiisha Somaliland ayaa la sheegay in shacabka ay ku amreen in ay dajiyaan Calanka Soomaaliya, balse taas ay ka biyo diideen dadweynuhu, kadibna ay keentay in Ciidamadu ay adeegsadaan rasaas nool nool.

Rasaasta ay fureen Ciidamada maamulka Somaliland ayaa waxaa ku dhaawacmay dhowr qof oo rayid ah, kuwaas oo ka mid ah dadka ku dhaqan deegaanka Damalle-Xagarre ee gobolka Sanaag.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xiisad ka dhalatay arrintaasi haatan ay ka taagan tahay qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Ma jiro weli war rasmi ah oo ka soo baxay dhanka Somaaliland oo ku aadan dhacdadan xiisada ka taagan halkaasi.

Deegaanada Somaliland ayaan laga ogoleyn Calanka Soomaaliya oo loo arko in ay tahay dambi Qaran, waxaana aheyd dhawaan markii Cabdiraxmaan Maxamed Cali (Aar) lagu xiray magaalada Hargeysa, kadib markii uu ku soo labistay dhar laga tolay Calanka Soomaaliya.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com