Kenya oo shaacisay cidda ka dambeysa kooxda cusub ee gooni u goosadka NFD

Nairobi (Caasimada Online) – Wargeyska Daily Nation ee Nairobi kasoo baxa ayaa qoray in dowladda Kenya ay rumeysan tahay in dalal shisheeye ay ka dambeeyaan koox gooni u goosed ah oo kasoo ifbaxday gobolka Waqooyi Bari Kenya ee ay degan yihiin Soomaalida.

Kenya ay sheegtay in dalalka taageeraya kooxda cusub oo la magac baxday xisbiga madax-bannaanida NFD ama Northern Frontier District Independence Party (NFDIP), ay yihiin kuwa sidoo kale Soomaaliya ka gacan siinaya kiiska maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ee badda Soomaaliya ayaga oo eeganaya danahooda.

Dalalka ay sheegtay Kenya inay Soomaaliya ka tagaeerayaan kiiska badda ayaa u badan kuwa reer galbeed ah, waxaana ka mid ah Norway iyo UK, hase yeeshee waxaa sidoo kale dalalka danta ka leh shidaalka Soomaaliya ka mid ah Turkey, Saudi Arabia, Masar iyo Imaaraadka Carabta.

Kenya ma aysan shaacin habka ay dalalkan uga dambeeyaan kooxda cusub ee gooni u goosadka gobolka Soomaalida Kenya iyo danta ay ka leeyihiin.

Kulanka dhowaan Nairobi ka dhacay, oo ay ka qeyb galeen saraakiisha amniga iyo siyaasadda dowladda Kenya, ayaa looga hadlay siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka Waqooyi Bari oo ka qeyb-galay kulamada kooxdan iyo lacag la sheegay in kooxdan ay ka heshao ka ganacsiga badeeco ka timaada Soomaaliya.

Kooxda madaxbanaanida NFD oo weli aan tiradooda la ogeyn, ayaa dhowaanahan dhaqdhaqaaq ka billaabay baraha bulshada, ayaga oo dib usoo nooleeyey rabitaankii gobolka Waqooyi Bari ee ahaa inay ka go’aan Kenya.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com