Xildhibaan Dhakool oo bil kadib xabsiga laga sii daayey kadib markii uu sameeyey…

Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka aanu hadda helayno ayaa sheegaya in xukuumada Muuse Biixi ay xabsiga ka sii deysay Xildhibaan Dhakool oo kamid ahaa xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland.

Xildhibaan Dhakool ayey ciidamadu booliska Somaliland kasoo qabteen gurigiisa magaalada Hargeysa waqti habeennimo ah, kadib labo maalmood markii uu ka hadlay xuska 18-May oo ku tilmaamay maalin Madow.

Xildhibaanka ayaa muddo ka badan hal bil ku xirnaa xarunta dambi baarista ee magaalada Hargeysa, kadib markii ay maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ay diiday inay kiiskiisa furto, iyadoona sheegtay inaysan awood u laheyn dhageysiga dacwadaasi.

Sii deynta Xildhibaan dhakool ayaa waxay daba socota kadib markii ay dhawaan ka hadleen xubno ka tirsan beeshiisa oo raali-gelin ka bixiyey gaf ay sheegen inuu ka galay qaranka Somaliland.

Xildhibaan Dhakool ayaa sidoo kale ka laabtay diidmadii uu uga hor-yimid xuska 18-May, uuna go’aansaday inuu raali-gelin ka siiyo hadalkiisa bulshada reer Somaliland.

Sida aanu wararkaygii hore idinku baahinay Dhakool ayaa raali-gelintiisaa ku lifaaqay dalab uu ku rabo inuu xoriyadiisa dib ugu helo, taasi oo ay maanta fulisay xukuumada Muuse Biixi.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa