Somaliland oo ka jawaabtay askarigii dhagaxa lagu dilay

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay Askari ka tirsan ciidamada Somaliland oo dhagax lagu dilay deegaanka Fiqi Ayuub ee Gobolka Togdheer.

Taliye kuxigeenka ciidamada Booliska Somaliland oo uu wehlinayo Taliyaha Booliska Gobolka Togdheer ayaa maanta warbaahinta la hadlay, iyagoona ka warbixiyey qaabkii ay u dhacday dhacdadaasi lagu dilay Askariga ka tirsanaa ciidamada.

Ugu horeyntiina Sareeye Gaas Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle, Taliye kuxigeenka Ciidamada Booliska Somaliland, ayaa sheegay inay falkaasi geysteen maleeshiyaad hubeysan oo weerar ku qaaday mid kamida shirkadaha ka howl-gala deegaanka Fiqi Ayuub.

Taliyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in kooxdaasi dhagax ay kusoo tuureen Ciidamada Somaliland uu haleelay mid kamid ah ciidamada oo uu ku geeriyooday, kaasi oo lagu magacaabi jirey Keyse Maxamed Cawaale.

Taliye Fooxle ayaa waxa kale oo uu sheegay in rabshadaasi ay sidoo kale ku dhaawacmeen laba Askari oo ka tirsan ciidamada Somaliland.

Axmed Aw Cali Shabeelle, Taliyaha Ciidanka Booliska ee Gobolka Togdheer ayaa isaguna waxa uu sheegay inaysan aheyn markii u horeysay ee Askari ka tirsan ciidamada Somaliland dhagax lagu dilo, kaasi oo u xusay in Askar toban iyo dhowr ah lagu dilay dhagaxaasi.

Taliye Shabeele, ayaa Ciidamada Booliska ku amaanay sida ay u dhowrayaan nafaha dadka shacabka ah, isagoona digniin adag u direy Bulshada caadeysatay inay dhagaxeeyan Askarta, sheegayna in aan loo dul qaadan doonin.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com