Xiisad ka taagan Addis Ababa iyo ciidamo hareeyey guriga Jawar Mohamed

Addis Ababa (Caasimada Online) –  Boqolaal taageerayaal ah ayaa maanta isugu soo ururay dibedda guriga Jawaar Mohamed oo ah nin u dhaqaaqa bulshada Oromada, oo ay ishayaan dowladda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed.

Arrintan ayaa imanaysa maalin kadib markii ciidamada ammaanka ay hareereeyeen guriga Jawaar kadib markii ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu u digay “dadka haysta baasaboorada ajnabiga ah ee leh warbaahinta.”
Jawaar oo haysta baasaboor Mareykan ah ayaa leh warbaahinta Oromia Media Network.

Taageerayaasha oo boqol gaarayaa ayaa ayaga oo ku sugan dibedda guriga Jawaar ee caasimadda Addis-Ababa waxay ku qeylinayeen erayo ay ku taageerayaan isaga, islamarkaana ka dhan ah ra’iisul wasaare Abiy Ahmed.

In ka badan labaatan askari oo booliska federaalka ah ayaa habeenkii talaadada hareeyey gurigiisa, kuna qasbay ilaaladiisa inay guriga isaga tagaan.

Ma cadda sababta guriga Jawaar loo hareereeyey, hase yeeshee saacado ka hor tallaabadaas, Abiy Ahmed oo baarlamanka la hadlay ayaa isaga oo aan magac sheegin u digay dadka leh warbaahinta.

“Kuwa leh warbaahinta ee aan haysan baasaboorka Itoobiya, waxay jiraan labada dhinac. Marka ay nabad dhacdo halkan ayay joogaan, marka uu dhib dhacana halkaas.” Ayuu yiri Abiy.

“Waxaan isku daynay inaan u dulqaadanno. Hase yeeshee tani haddii ay waxyeeleyneyso nabadda iyo jiritaanka Itoobiya, haddii aad ku hadasho Amharic ama Oromiffa, midkee doontaba, tallaabo ayaan kaa qaadaynaa.” Ayuu yiri Abiy.

Amharic iyo Oromiffa waa labada luuqad ee ay kula kala hadlaan labada qowmiyad ee ugu dadka badan Itoobiya ee Amxaarada iyo Oromada.

Jawar oo aaminsan qadiyad aan rabshad wadan oo ah in Oromada mar walba kow tahay, ayaa Itoobiya kusoo laabtay bishii August ee sanadkii tagay, isaga oo kasoo tagay Mareykanka.

Caasimada Online
Xafiiska Addis Ababa
caasimada@live.com