32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xiisad ka taagan Kismaayo iyo dagaal beeleed laga cabsi qabo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in halkaasi ka taagan tahay xiisad colaaded.

Xiisada ayaa sida wararka ay sheegayaan ka dhalatay xukun maxkamada Jubbaland ku diray askari ka tirsanaa maamulka Jubbaland.

Askariga oo khamiistii lasoo dhaafay dil ka geystay magaalada Kismaayo ayaa isla jimcihii lagu riday xukun dilay ah, kadib markii lasoo taagay maxkamad ku taala magaalada Kismaayo.

Askar ay isku heyb yihiin askariga waxay kasoo horjeesteen xukunka, waxayna keentay inay qaab qabiil isku abaabulaan, taasi oo dhalisay xiisada ka taagan magaalada Kismaayo.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Jubbaland ayaa waddo waanwaan ku aadan sidii arintaasi loo xalin lahaa, waxaana askarta gadoodsan ay doonayaan in xukunkaasi laga laabtaa.

Axmed Madoobe ayaa ku amray laamaha amaanka inay talaabo ka qaadaan askari kastaa oo dhibaato ka geystaa magaalada Kismaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Jubbaland
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News