Xiisada Itoobiya iyo MASAR oo waji cusub yeelatay iyo WARAR ugu dambeeyay

Hargeysa (Caasimada Online) – Xiisada Itoobiya iyo Masar, oo mar qarka u saarneyd dagaal, ayaa u muuqata mid waji kale yeelatay kadib markii labada dhinac ay toddobaadyadii u dambeeyay ku howlanaayen inay xiisadaasi ku dhameeyan wada-hadal.

Itoobiya iyo Masar ayaa shir ka yeeshay xiisadaasi, iyada oo qeyb ka tahay Sudan oo laftigeedu wal-wal ka qabta biyo-xireenka ay Itoobiya ka sameysay webiga Nile-ka.

Wasaaradaha waraabka iyo biyaha ee dowladaha Itoobiya, Masar iyo Sudan oo ku kulmay qaabka fogaan arag ah (Video Conference) ayaa ka wada-hadlay xiisada dabada dheeratay ee webiga Nile-ka.

Kulankaasi oo maalmo socon doona ayaa waxa diirada lagu saari doona sidii heshiish looga gaari lahaa xiisadaasi, inkasta oo dhowr jeer oo hore lagu guul-dareystay in is-afgarad buuxa laga gaadho murankaasi.

Kulankaasi ayaa imanaya xili dhawaan Madaxweynaha Masar, C/fataax Al-Sisi uu si cad u sheegay in dowladdiisu ay hanaanka wada-hadalka u mareyso xiisada biyo-xireenka Itoobiya, taasi oo dhalin karta is-faham dhinacyada muransan ah.

Al-Sisi ayaa xiligaasi sheegay in tallaabada ay dowladdiisu kusoo dhacsan karto qeybta ay ka leedahay nafciga webiga Nile-ka uu yahay wada-hadal ay ka yeeshaan, iyada oo laga baaqsanayo colaado hor leh.

Abiy Ahmed ayaa isaguna hore u sheegay in dalkiisa Itoobiya, Masar iyo Sudan ay ‘is-faham weyn gaareen, taasi oo dhabbaha u xaari karta heshiis rasmi ah’ oo laga gaaro biyo-xireenka xiisadda culus ka dhaliyey gobolka.

Xiisadii webiga Nile-ka ayaa u muuqata mid la rabo in lasoo afjaro, taasi oo la fahamsan yahay inay horseed u tahay in dhaamka biyo-xireenka Itoobiya ay buuxiyeen roobab da’ay, taasi oo sanadkan looga baaqsanayo hoos u dhaca biyo ee ay ka wal-walsanaayeen Masar iyo Sudan.