Odawaa: Farmaajo waa lagu hareereeyay Dhuusamareeb

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa sheegay in xukuumadda federaalka Soomaaliya aysan u diyaar garoobin qabashada doorasho qof iyo cod ah, balse qof walba uu jeclaan lahaa iney taasi dhacdo.

Odawaa oo ah xoghayaha madasha xisbiyada qaran ayaa aaminsan in xukuumadii la riday aysan muddo saddex sano iyo bar ku diyaarin qorshaha doorashada qof iyo cod, sidoo kalana aysan meesha ka marneyn madaxtooyada iyo guddiga doorashada.

“Dhamaan Soomaalida waxey jeclaan lahaayeen in la qabto doorasho qof iyo cod ah, balse waxaa la isku raacsan yahay inaan loo diyaar garoobin, guddiga doorashada, madaxtooyada iyo xukuumadii kalsoonida lagala noqdayba aysan muddo saddex sano iyo bar ah u diyaar garoobin,” ayuu yiri Odawaa.

Sidoo kale xildhibaanka wuxuu sheegay in madaxweyne Farmaajo lagu hareereeyay shirkii Dhuusamareeb, una socon weysay doorashadii uu damacsanaa, waana midda uu qabo iney keentay in madaxweynaha uu si dhaqso leh xukuumadii u bedelo.

“Madaxweynaha markuu arkay inuu dhinac walba ka hareereysan yahay, una socon weysay doorashadii been abuurka aheyd iyo hammigiisa muddo kororsiga, wuxuu Dhuusamareeb kala laabtay go’aan dhaqso leh oo ah inuu xukuumadda bedelo” ayuu yiri Odawaa mar kale.

“Madaxweynaha waxaa been abuur ugu filan xukuumadii uu lahaa saddex sano iyo bar ma dhaceyso iney 7-daqiiqo ku dhacday” ayuu mar kale yiri xildhibaan Odawaa.

Ugu dambeyntii Odawaa wuxuu madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inuu hareer maro heshiisyadii lagu gaaray Dhuusamareeb, sidoo kalana doorashada ay wakhtigeeda ku dhacdo.