Xog: Wafdi ka socda Shiinaha oo ku wajahan Hargeysa, xili safiirkii aan weli la qaabilin

Hargeysa (Caasimada Online) – Xog aan helayno ayaa sheegaysa in magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland ay kusoo wajahan yihiin wafdi ka socda dowladda Shiinaha, oo muddooyinkii u dambeeyay ka biyo diidaneed xiriirka Taiwan.

Wafdigan ayaa ku biiri doona xubno kale oo uu hogaaminayo Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Qin Jian oo isagu ku sugan magaalada Hargeysa.

Danjire Qin Jian ayaa magaalada Hargeysa ku sugan dhowr maalmood, isaga oo aan weli la kulmin madaxweynaha Somaliland oo ujeedkiisa u weyn ahaa, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Jian ayaa Somaliland u tagay sidii uu madaxda ugu sarreysa ula kulmi lahaa, isla markaana u gaarsiin lahaa diidmadooda ka dhanka ah xiriirka cusub ee ay la sameysatay Taiwan.

Sida ay xogta ku helayso Caasimada Online, Wafdiga ka socda Shiinaha ayaa daba socda dalab ay Somaliland ku xirtay Shiinaha, kaasi oo ahaa inuu ula tacaamulo sidii dal ka madax-banaan Soomaaliya.

Shiinaha oo saaxiib dhow la’ ah Soomaaliya ayaa u muuqda mid xiligan ku qasban inuu wakiil macmal ah u magacaabo Somaliland, isla markaana uu xiriir diblumaasiyadeed oo cusub la sameysto, si daaqada looga saaro Taiwan.

Xiriirka Somaliland iyo Taiwan ayaa si weyn uga careysiiyay dowladad Shiinaha oo iyadu sheegata inay Taiwan tahay jaziirad ka tirsan dhul-weynaheeda, halka iyaduna ku doodeyso taasi badalkeeda.