Xog: Xilliga ay xildhibaanada BF qorsheynayaan in muddo kororsiga ay meel-mariyaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in baarlamaanka iyo xubno ka tirsan Villa Somalia ay qorsheeyeen, in dib loo dhigo doorashada Soomaaliya laguna dhawaaqo ka hor magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub ee soo socda.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Madaxweynaha iyo guddoonka baarlamaanka Golaha Shacabka ay isku afgarteen in aan la magacaabin Ra’iisul wasaare cusub ilaa ay sameeyeen muddo korarsi, sababtoo ah waxay sheegeen in Ra’iisul wasaaraha cusub ay dhici karto inuu diido muddo korarsi islamarkaana ay markale is qabtaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaarihiisa taasina ay fashil ku keeneyso Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale wasiiro ka tirsan Xukuumadii dhacday ee Kheyre, xildhibaano iyo xubno kale oo dowladda saameen ku leh, ayaa qeyb ka ah dadka arintaan gadaal ka riixaya.

Xildhibaanadii habeen hore kulanka ku yeeshay Muqdisho ee sheegay in ay ka shaqeynayaan badbaadinta dalka, ayaa la sheegay in ay wadaan mooshin lagu dalbanayo muddo korarsi ugu yaraan sanad ah si dalka loo gaarsiiyo doorasho dadweyne.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal iyo ku xigeenkiisa 1-aad Cabdiweli Ibraahim Muudey, sii hayaha xilka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye oo saameyn weyn ku dhax leh baarlamaanka ayaa laf dhabar u ah arrintaan muddo korarsiga ah.

Dadka magaalada Muqdisho ayaa arintaan aad u hadal haaya waxaana shalay shirkii mudullood ka sheegay wasiirka amniga Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale.

Waxaa mugdi ku soo dhacaya mustaqbalka Soomaaliya oo soo kabasho ku jiray 20 sano ee la soo dhaafay haddii ay dhacdo muddo korarsi sida ay aaminsan yihiin dad badan oo sama doonayaal ah, waxaana ugu wacan Farmaajo oo diidan inuu qabto doorasho.